Shir looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya oo ka furmay Garoowe
January 27, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saaka ka furmay magaalada Garoowe shir looga hadlayo xal u helida arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidda ugu sahlan oo looga bixi karo khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyey siyaasiyiinta iyo Madaxda Soomaalida. Shirka aya waxaa uu si rasmi ah uga bilowday xarunta cilmi baarista PDRC ee Garoowe, shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiim musharaxiintii u tartamay xilka madaxweynanimada ee Puntland, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, Siyaasi Cabdiraxmaan Baadiyo, Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Aqoon yahano iyo maamulka gobolka Nugaal.
Shirka ayaa markii uu bilowday waxaa hadal kooban ka jeediyey Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Siyaasi Dr.Cabdiraxmaan Baadiyow iyagoo ku dheeraaday horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland waxaan ay ugu baaqeen siyaasiyiinta reer Puntland iyo Madaxda dowladda Puntland in ay horseed u noq daan xal u helida arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya.
Shirka looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa maalinta beri ah waxaan la filayaa in lagu falanqeeyo arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, intii uu shirka socday ayaa waxaa lagu soo bandhiga Filim ka waramaya xaaladihii kale duwanaa ee ay soo martay Puntland.
Dhinac kale waxaa shirka ka hadlay afhayeenkii musharaxiinta ahaana musharax u taratamay xilka madaxweyna nimada Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame oo xusay in doorashadii ka dhacday Puntland ay tusaale u tahay in reer Puntland ay yihiin dad arrimahooda maaraynkara qiimana ku dhex leh umada Soomaaliyeed.
Shirka ayaa waxaa la soo xirayaa maalinta beri ah waxaan la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo ku saabsan qaabka loo maarayn karo arrimaha siyaasadeed ee la isku khilaafsan yahay gaar ahaan Nidaamka Federaalka ah ee lagu dhisay dowladda Federaalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net