Shir looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya oo ka furmay Garoowe

January 27, 2014 - Written by Editor

GarooweGaroowe:-Waxaa saaka ka furmay magaalada Garoowe shir looga hadlayo xal u helida arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidda ugu sahlan oo looga bixi karo khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyey siyaasiyiinta iyo Madaxda Soomaalida. Shirka aya waxaa uu si rasmi ah uga bilowday xarunta cilmi baarista PDRC ee Garoowe, shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiim musharaxiintii u tartamay xilka madaxweynanimada ee Puntland, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, Siyaasi  Cabdiraxmaan Baadiyo, Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Aqoon yahano iyo maamulka gobolka Nugaal.

Shirka ayaa markii uu bilowday waxaa hadal kooban ka jeediyey Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Siyaasi Dr.Cabdiraxmaan Baadiyow iyagoo ku dheeraaday horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland waxaan ay ugu baaqeen siyaasiyiinta reer Puntland iyo Madaxda dowladda Puntland in ay horseed u noq daan xal u helida arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya.

Shirka looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa maalinta beri ah waxaan la filayaa in lagu falanqeeyo arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, intii uu shirka socday ayaa waxaa lagu soo bandhiga Filim ka waramaya xaaladihii kale duwanaa ee ay soo martay Puntland.

Dhinac kale waxaa shirka ka hadlay  afhayeenkii musharaxiinta ahaana musharax u taratamay xilka madaxweyna nimada Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame oo xusay in doorashadii ka dhacday Puntland  ay tusaale u tahay in reer Puntland ay yihiin dad arrimahooda maaraynkara qiimana ku dhex leh umada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa la soo xirayaa maalinta beri ah waxaan la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo  ku saabsan qaabka loo maarayn karo arrimaha siyaasadeed ee la isku khilaafsan yahay gaar ahaan Nidaamka Federaalka ah ee lagu dhisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online