Wasiirka kalluumaysiga Puntland oo sheegay in uu weli yahay madaxweynaha Khaatumo (Dhegeyso)
January 30, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka cusub ee kalluumaysiga Puntland Cabdinuur Biindhe ayaa maanta soo dhoweeyey xilka wasiirnimo ee uu ka helay dowladda Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee Puntland, Biindhe ayaa horay u ahaa madaxweynaha khaatumo.
Wuxuu sheegay Cabdinuur Biindhe inuu si buuxda u yahay madaxweynaha khaatumo weli isla markaasna Puntland ugu shaqaynayo xilka wasiirka kalluumayisga oo uu ka helay dowladda cusub, wuxuu ku baaqay in dib u heshiisiin la helo.
“Awalba khaatumo waxaa loo dhisay in la helo kalsooni iyo soo celinta deeganada maqan, hadana howsha waxaan ku soo celinay asalkii.” Ayuu yiri Biindhe oo hadalkiisa ku daray in ay heshiis hore ku yimaadeen dib ugu soo noqoshada Puntland.
Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa dadka ugu baaqay wada shaqayn iyo amniga oo la hagaajiyo, wuxuu sheegay wasiirku inay dowladdu ku dadaali doonto in dib loo qabto gobolka Sool oo ka maqan gacanta Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Wasiirka kalluumaysiga Puntland Cabdinuur Biindhe
Xigasho Radio Daljir