Wasiirka kalluumaysiga Puntland oo sheegay in uu weli yahay madaxweynaha Khaatumo (Dhegeyso)

January 30, 2014 - Written by Editor

biindheGaroowe:-Wasiirka cusub ee kalluumaysiga Puntland Cabdinuur Biindhe ayaa maanta soo dhoweeyey xilka wasiirnimo ee uu ka helay dowladda Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee Puntland, Biindhe ayaa horay u ahaa madaxweynaha khaatumo.

Wuxuu sheegay Cabdinuur Biindhe inuu si buuxda u yahay madaxweynaha khaatumo weli isla markaasna Puntland ugu shaqaynayo xilka wasiirka kalluumayisga oo uu ka helay dowladda cusub, wuxuu ku baaqay in dib u heshiisiin la helo.

“Awalba khaatumo waxaa loo dhisay in la helo kalsooni iyo soo celinta deeganada maqan, hadana howsha waxaan ku soo celinay asalkii.” Ayuu yiri Biindhe oo hadalkiisa ku daray in ay heshiis hore ku yimaadeen dib ugu soo noqoshada Puntland.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa dadka ugu baaqay wada shaqayn iyo amniga oo la hagaajiyo, wuxuu sheegay wasiirku inay dowladdu ku dadaali doonto in dib loo qabto gobolka Sool oo ka maqan gacanta Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Wasiirka kalluumaysiga Puntland Cabdinuur Biindhe

Xigasho Radio Daljir

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online