Wasiirkii hore ee Maaliyada DFS Maxamuud Sulaymaan oo xilka Wareejiyey (Masawiro)

January 25, 2014 - Written by Editor

19Muqdisho:-Munaasabad ballaaran oo xilka uu ku wareejinayay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada iyo qorshaynta Maxamuud Xasan Sulaymaan (Cawil) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka diinta iyo Awqaafta  Ridwaan Xirsi Maxamed, Wasiirada xilka la wareegayay Xuseen Cabdi Xalane, iyo Siciid C/laahi Maxamed, Wasiiru dowlaha Maaliyada C/laahi Maxamed Nuur,  Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Wasiirka xilka Wareejinayay Maxamuud Xasan Sulayman oo furitaankii Munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee soo martay Wasaarada Maaliyada iyo qorshaynta mudadii uu xilka hayay, isagoo xusay Wasiirku heer wanaagsan inay marayso shaqada wasaarada Maaliyada isla markaana ay kasoo gudbeen marxalado adag oo ka gudbistooda waqti badan la galiyay.

“Xilka aan maanta wareejinayo waxaan qabtay 14 bilood ka hor xili laga baxay KMG muddo lagu jiray ma jirin waqtigaas mushaar joogto ah oo helaan Ciidamadda iyo shaqaalaha dowladda, ma jirin Miisaaniyad rasmi ah oo lagu tashan karo Tayada wasaaradu ku shaqaynayso dhib wayn baa gaartay kaddib 23 sano dagaaladii Sokeeye  halkaas ayaan wax ka bilownay runtii ma sahlanayn shaqadu mana ahayn meel wax laga bilaabi Karo waxaan ku guulaysanay Mudadaas 14 ka bilood ah inaan xirno Miisaaniyadii lagu dhaqmay 2012 diyaarinana Miisaaniyadii lagu dhaqmi lahaa sanadkii dhamaaday ee 2013 taasoo guud ahaanteed noo hirgashay” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukuumaddii hore isagoo intaasi ku daray.

“Waxaan bilownay inaan soo celino hantidii naga luntay waxaana gacan naga siinaya World Bank,waxaanu heshiisyo horudhac ah la gaarnay Shirkado caalami ah oo gacan naga siinaya tayaynta Miisaaniyada Soomaaliya,”

Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa sheegay guud ahaan Wasaarada Maaliyada inaysan wax qarash ah xiligani ku lahayn shaqaalaha dowladda isagoo arintaasi ku micneeyay da’daal dheer oo Wasaaradu u gashay sidii mar walba shaqaaluhu u heli lahaayeen mushaaraadkooda bil waliba.

no images were found

Intaasi kaddib ayuu Wasiirkii hore ee Maaliyada iyo Qorshaynta wuxuu xilka ku wareejiyay  Wasiirada labada Wasaaradood ee Maaliyada iyo Qorshaynta, waxaana ay goobta ku kala saxiixdeen Documents- kii ay ku shaqaynayeen Wasaaraduhu.
Hadalo kooban oo labada Wasiir ee xilka lagu wareejiyay goobta ka jeediyeen ayay ku ammaaneen Wasiirkii hore ee Wasaaradahaasi Maxamuud Xasan Sulaymaan (Cawil) mudadii uu xilka Wasaarada hayay howlihii uu qabtay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka diinta iyo Awqaafta  Ridwaan Xirsi Maxamed oo ugu danbayntii Munaasabad hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamuud Xasan Sulayman mudadii uu Xafiiska joogay howlihii uu soo qabtay, isgaoo kula dar-daarmay Wasiirada cusub ee xlka la wareegay inay howsha kasii wadaan halkii uu dhigay Wasiir Sulaymaan.

xwarfaafinta@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online