Xafladii xiritaanka dowrada dhalinyarada Masjidka Alhuda ee Helsinki, Finland(Daawo)
January 11, 2014 - Written by EditorFiland:-Waxaa Markazka Alhuda ee Finland lagu soo gabagabeeyay dowradii 3aad ee xilliga jiilaalka ee dhalinta horseed ee markazka Alhudaa ee Finland..waxay ahayd xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.. Waxaa ka hadlay ugu horayn Madaxa arimaha dacwada ee markazka macallin Maxamed Xasan Sheekhoow oo ka war bixiyay dacwada masjidka iyo sidii loo soo agaasimay dowrada, sidoo kale waxaa ka hadlay sh Cabdullahi Aadan Cali oo isna ka hadlay muhimadda dowraadka u leeyihiin dhalinyarada, dhinaca waalidiinta waxaa u hadlay Ingineer Cabdikariim oo xooga saaray sida loogu baahan yahay on isbedel la sameeyo, taasina ay ku xiran tahay qof walbaa iyo sida uu u doono.
Kadib waxaa ay ardaydu ay soo bandhigeen gabdho iyo wiilalba wixii ay dowrada ku barteen..
Sh Axmed Nuur oo ka mid ah culimada markazka ayaa isaguna tacliiqiyay bandhigii dhalintu ay qabteen iyo sida looga faa’iidaystay dowrada.. kadibna waxaa kalmidii khitaamka qaatay Sh Abdirazak sugulle oo ku soo xiray lix qodob oo ku wajahan waalidka iyo dhalinta..
Barnaamijka oo muuqaal ahna hoos ka daawo…
Finland
Halgan.net