Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo la kulmay Nicolos Key (Masawiro)

September 8, 2014 - Written by Editor

DSCN0413Baydhabo:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahan wafdi uu hogaaminayo ay ku sugnaayeen gobolka Baay ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Nicolos Key.

Kulanka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Danjiraha QM ee Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyagu ah guddiga farsamada maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee uu soo
magacaabay Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed waxaana kulanka looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Danjiraha QM ee Soomaaliya oo isagu ah madaxa xafiiska UNSOM Nicolos Key oo kulanka markii uusoo gebageboobay kadib la hadlay saxaafadda ayaa ugu horeyn ku ammaanay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu
isugu howlay isfahmka iyo heshiisiinta shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo islamarkaana uu waqti uu ugu huray waxaana uu dhanka kale tilmaamay in QM ay si buuxda u garab taagan tahay natiijooyinka dadaallada socda ee Gudoomiyaha Baarlamaanka hormuudka ka yahay.

no images were found

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaguna dhankiisa saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa uga mahad celiyey QM taageerrada ay ballan qaaday iney la garab taagan yihiin shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay in inta uu kulanka socday looga hadlay halka ay marayaan dadaallada maalmihii lasoo dhaafay uu u joogay magaalada Baydhabo oo hada meel wanaagsan maraya.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online