Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliyeed oo been ka sheegay xaalada magaalada Gaalkacyo[Dhagayso]

September 24, 2014 - Written by Editor

gaalkacyo2Gaalkacyo:-Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ayaa faafiyey warar been abuur ah kuwaas oo ay ku doonayaan in ay colaad dhex dhigaan labada Maamul ee dariska ah ee Puntaland iyo Galmudug waxay faafiyeen in Puntland ay ciidamo dheeraad ah keentay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Shabakada Wararka Halgan.net oo xiriiro kala duwan la sameysay waxgarad iyo Cuqaal ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ku sugan magaalad Gaalkacyo ayaa waxaa ay si adag u beeniyeen in xaalada Colaadeed Ama Wax dhiilo ah ay ka jirto magaalada Gaalkaco ee xarunta gobalka Mudug.

Waxaa jira  in Maamulka Galmudug iyo Puntland ay ku kala aragti duwan yihiin Garoon dhawaan laga Furay Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana socda dadaal lagu xalinayo khilaafka ku dhex jira labada Maamul kaas oo ay wado DFS.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare la hadlay warbaahinta ka howl gasha magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyey in Wax xiisad ah ay ka jirto magaalada Gaalkacyo ama ay Puntland ay keentay ciidan dheeraad ah si ay u adkeyso ammaanka Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf International Aiport ee Magaalada Gaalkacyo wuxuuna yiri “wax Ciidan ah Oo dheeraad ah hadda ma jiraan Amniga Garoonkuna waa sugan yahay Wax ay warbaahinta Koonfurta ay faafisay waa been abuur”

Hoos ka Dhagayso Gudoomiye xigeenka 2aad ee gobolka Mudug ASxmed Muuse Nuur

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/zv96kgu4mi/radiogaalkacyo.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3
Source Codka Radio Gaalkacyo

M_M Deeq
 Gaalkacyo

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online