Qarax lagu weeraray ciidanka AMISOM ee ku sugan Kismaayo (Dhageyso)

September 20, 2014 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in maanta qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kwa Burundi xili ay marayeen xaafad Via Afmadow ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qarax ayaa waxaa uu ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda waxaana uu qaraxu dhaawac u geystay lix qof  oo  rayid ah oo meesha ka dhawaan waxaana loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo halkaas oo lagu dabiibayo.

Dadka qarax ku dhaawacmay badankood ayaa waxay ku sugnaayeen dhismo ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay oo ay howl dhismo ka socotay wararka qaar ayaa sheegaya in qof oo ka mid ah dadka dhaawacmay uu ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidanka AMISOM qaraxa ka dib.

Afhayeenka Maamulka KMG ee Juba C/naasir Seeraar Maax ayaa goordhow shirjaraa,id ku qabatay magaalada Kismaayo waxaana uu faahfaahin ka bixiyey khasaaraha uu geystay qarax lagu weeraray ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi wuxuuna ku eedeyey kooxda Al-Shabaab in ay ka danbeeyeen.

Saraakiisha ciidanka AMISOM ayaan ilaa haatan ka hadal khasaaraha ka soo gaaray qarax lala eegtay kolanyo ka tirsan ciidanka Burundi iyaga oo xiray dhamaan wadooyinka markii uu qaraxu ka dhacay ka dib.

Hoos ka dhageyso Afhayeenka Maamulka KMG ee Juba oo ka hadlay qarax ka dhacay Kismaayo

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/utmziip4v9/seeraar1.mp3]

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online