Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqasho ku tegay Kismaayo.[Masawiro]

September 10, 2014 - Written by Editor

2Kismaayo:-Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee Soomaaliya, Fatiha Serour, ayaa maanta booqday ku tegtay magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulantay madaxda sare ee maamulka Jubba gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka 2aad  ee Jubba  Abdulkadir Mohamed Lugadere .

Wakiilka  ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya SRSG  Fatiha Serour,ayaa markii ay timid magaalada Kismaayo waxaa ay u mahad celisay madaxda maamulka Jubba iyadoo xustay in ay soo dhaweynayaan hishiiskii Kismaayo ayna diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan arrimaha horumarinta iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wafdiga Wakiilka  ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya SRSG  Fatiha Serour ayaa markii ay tegtay Kismaayo waxaa ay booqatay maleeshiyaadkii daacadda u haa Col. Bare Hiiraale oo dhawaan dib loogu soo xareeyey magaalada Kismaayo ka dib hishiis la wada gaaray.

Wafdiga ka socday (UNSOM) ayaa waxaa sameeyeen balan qaad ah in maleeshiyaadkii daacadad u ahaa Col. Bare Hiiraale iyo cid walba oo qaadata nabad  loo sameeyo dib u dejin iyo tababar ciidan oo ay qayb ka qaadanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

no images were found

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online