Baarlamaanka DFS oo maanta la hor geynayo Mooshinkii ka dhan ah R/Wasaare C/weli

November 11, 2014 - Written by Editor

xildhibaanMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay kulmayaan xildhibaanada baarlamaanka DFS waxaana horyaal Gudoonka Baarlamaanka  mooshin ka dhan ah Raisulwasare C/weli Sh Axmed. Shir-gudoonka ayaa sheegaya kulanka in Baarlamaanka uu hor-yaalo mooshinka ka dhan ah xukuumada DFS waxaana xiisad iyo buuq laga dareemayaa goobaha ay ku shirayaan Xildhibaanada kala taageersan Madaxweyanaha DFS iyo Raisulwasaare Cabdi weli.

Gudoonka Baarlamaanka DFS ayaa waxaa lagu wadaa saaka in uu u qeybiyo xildhibaanada baarlamaanka DFS  nuqul mooshinka ka dhanka ah xukuumada DFS si ay uga doodaan xildhibaanada DFS  .

Xarunta Golaha Baarlamanka DFS ayaa waxaa si weyn loo adkeeyey amaankeeda waxaana la soo dhoobay ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM sidoo kale waxaa la xiray dhamaan wadooyinka soo gala golaha shacabka DFS

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online