Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira deegaanada ku dhow Jaziirada Kudhaa ee gobalka J/hoose.

November 9, 2014 - Written by Editor

KismaayoKudhaa:-Waxaa  xiisad colaad laga dareemayaa deegaanada ku dhow Jaziirada Kudhaa oo ay shalay qabsadeen kooxda Al-Shabaab sida ay sheegtay warbaahinta Ururka Al-Shabaab iyo wiliba Afhayeenka howgalada Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Juba ayaa  dhaqsdhaqaaq ciidan waxaa uu ka wadaa deeganada ku dhow Jaziirada Kudhaa sida uu sheegay Maxamed Faarax oo ah sarkaal ka tirsan Maamulka KMG ee Jubba.

Maxamed Faarax ayaa xaqiijiyey in shalay laga qabsaday Jaziirada Kudhaa wuxuuna wacad ku maray in ay dib u qabsan doonaan Jaziirada Kudhaa isaga oo sheegay in ciidamada Al-Shabaab ee ku jira Jaziirada Kudhaa ay yihiin kuwa go,doonsan.

Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba ayaa haatan u jira 5-KM Jaziirada Kudhaa, waxaana ay wadaan abaabul ay dib ugu qabsanayaan Jaziiraa Kudhaa.
Dagaalkii shalay dhexmaray Al-Shabaab iyo Maamulka Jubba ayaa waxaa uu laba dhinac soo gaarsiiyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac .

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa been iyo dicaayad ku tilmaamay khaasaraha ay Al-Shabaab sheegeen in ay gaarsiiyeen ciidanka Maamulka Jubba wuxuuna sheegay in dagaalka ay uga dhinteen 15 askari halka uu sheegay in ay Al-Shabaab ka dileen ciidan gaaraya 70 askari.

Afhayeenka Maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si isir nacayb ah ugu laayeen dad shacab ah Jaziirada Kudhaa kuwaas oo uu tiradooda ku sheegay 27 qof.

Guulaha ay kala sheeganayaan Al-Shabaab iyo Maamulka Jubba ayaa ah nooc dagaal dhanka warbaahinta ah balse mar aan la xiriirnay ilo wareedyo kala duwan waxay noo xaqiijiyeen in Al-Shabaab ay haatan ku sugan yihiin Jaziirada Kudhaa ciidanka Maamulka Jubana ay ka dhinteen 16 askari halka dhaawac aan war loo heyn.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online