Ergeyga gaarka ah ee IGAD Ambassador Maxamed Afey oo Muqdisho soo gaaray
November 5, 2014 - Written by Editor
Muqdisho:-Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Soomaliya u qaabilsan IGAD Ambassador Maxamed Afey waxaana ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu u kala dabqaado madaxada sare ee DFS .
Ambassador Maxamed Afey ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaatay madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Ambassador Maxamed Afey ayaa sheegay in IGAD ay hurmuud ka tahay haorumarka Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay mudo ka badan 20 sano ay howlgalo ka waday Soomaaliya.
Afey ayaa sheegay in IGAD ay ka go,an tahay in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto.Ergeyga gaarka ah ee IGAD Ambassador Maxamed Afey ayaa waxaa kale oo uu kulan la qaatay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliyeed Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.waxaana ay ka wada hadleen khilaafka u dhexeeya DFS.
Ilaa hada lama yaqaan in uu ku guuleystay Ergeyga gaarka ah ee Soomaliya u qaabilsan IGAD Ambassador Maxamed Afey xalinta khilaafka madaxada DFS
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

