Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo hakiyey mooshin ka dhan Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.[Dhagayso]

November 8, 2014 - Written by Editor

DSC_2621Muqdisho:-Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo bilaabo xalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 07-November,maanta ilaa caawa fiidkii waxa uu kulammo wadatashi ah oo la xiriiray xasilinta siyaasadda dalka si kala gaar gaar ah ula qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo kulammadii xalay ay bilow iyo gogol xaar u ahaayeen kulammadii ballaarnaa ee iyagu kala qabsoomay duhurnimadii maanta iyo fiidnimadii hore ee caawa waxaana kulamadaasi uu  Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la kala qaatay Xildhibaanno kala aragti duwan ayadoo kulamadaasi oo uu shir guddoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay goobjoog ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari oo markii kulammadaasi ay soo gebageboobeen kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in maanta Guddoonka uu la kulmay Xildhibaannada dhowaan usoo gudbiyey mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda islamarkaana ay ka guddoon ahaan ka codsadeen in fursad la siiyo dadaallo lagu dhex dhexaadinayo madaxda DFS taasina ay garawsadeen Xildhibaannada, sidoo kalena gelinkii dambe ee maanta uu la kulmay Xildhibaannada ka soo horjeeda in mooshin ka dhashay kala aragti duwanaanshaha madaxda ayaguna ay codsigii hore u jeediyeen islamarkaana ay ogolaadeen.

no images were found

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa u mahad celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u ogolaadeen codsiga Guddoonka waxaana uu markale muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan iyo sidoo kale dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ka codsaday iney ka qeyb qaataan dadaalladan dhex dhexaadinta ah islamarkaana uu rajo weyn ka qabo in kala aragti duwanaanshaha jira xal laga gaari doono insha Allah.

Hoos ka Dhagayso Shirkii Jaraa’id ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari 

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/0vz76zfqci/jawaari.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online