Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Jawaari oo dalka dib ugu soo laabtay

November 23, 2014 - Written by Editor

jawaariMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari  iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeyb galay shir ay ku kulmayeen gudoomiyaasha golaha shacabka ee dalalka Jaamacada Carabta.

Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari  ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka DFS kuwaas oo si diiran ugu soo dhaweeyey gudoomiyaha Garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ka tirsan DFS ee soo dhaweeyey Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari  ayaa waxaa horkacayey  Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeeylaani Nuur Iikar iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda .

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari  ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxada dalka Jabuuti iyo qaar ka mid ah gudoomiyaasha baarlamaanka Carabta

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online