Madaxweynaha PL oo Booqday Xerada Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Maxamed Dirir[Masawiro]

November 18, 2014 - Written by Editor

IMG_6843-Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka Booqasho ku tagay Xerada Ciidamada Maxamed Dirir Ex 54-aad ee ku taala duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay ciidanka Daraawiishta Puntland ee xeradaasi ku sugan waxana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka iyo kooxda Baambayda Puntland.

Intaas kadibna waxa uu Madaxweynuhu warbixino ku saabsan xaalada ciidanka ka dhagaystay Saraakiisha ciidanka iyo weliba qaar kamid ah ciidanka halkaasi ku sugnaa iyagoona u soo gudbiyey waxa ay qabaan islamarkaana balan qaaday  in ay sii wadi doonaan dedaalka ay ku difaacayaan dadka iyo dalkooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay booqashada uu booqday ciidanka isagoona kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan howsha qaran ee ay u hayaan dalkooda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in muhim ay tahay in ciidanka dib u habayn lagu sameeyo ,dhawaana ay tababaro u bixi doonaan ciidanka qaybtood si aqoon kororsi u soo helaan loona gaaro himilada durugsan ee Puntland hiigsanayso isalamrkaana laga feejignaado hagar doomiyinka ay maleegayaan cadowgu.

Mar uu ka hadalayey casriyeenta ciidanka iyo lajaan qaadida ciidamada aduunka ayuu madaxweyne gaas tilmaamay in hada meel wanaagsan marayo dhawaana ciidanka Puntland gaari doonaan heerkaas caalamagi ah ee ciidan waafi ah uu lee yahay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa amar ku bixiyeey in loo geel qalo ciidan ka maanta, isla mar ahaantaana uu madaxweynuhu joogtayn doono ka war qabida ciidamada.

no images were found

-DHAMMAAD-

 Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online