Madaxweynaha PL oo Garoowe kula kulmay safiirka Danmarka ee Soomaaliya.[Masawiro]

November 2, 2014 - Written by Editor

IMG_4399Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa hoygiisa Madax tooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabilay Safiirka Denmark ee Soomaaliya Ambassador Geert Aagaard Andersen iyo wafdi uu hogaaminayey. Ka dib markii uu Safiirka Dowladda Denmark ee Soomaaliya Ambassador Geert Aagaard Anderseniyo wafdi uu hogaaminayey ay soo gaareen magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, ayaa waxaa kullan la qaatay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kullankaan oo ahaa mid gaar ah oo dawladda Puntland iyo Dawladda Denmark ay kaga wada xaajoonayeen Barnaamijka Hiigsiga Cusub iyo horumarinta Mashaariicda Puntland ayaa waxyaabihii Kullankaasi looga hadlay waxaa kamid ahaa Doorka Dawladda Puntland ee Barnaamijka Hiigsiga Cusub (NewDeal) ee ka dhici doona bishaan Daba yaa qadeeda Magaalada Copenhagen ee caasimada Wadanka Denmark.

Safiirka Dawladda Denmark ee Soomaaliya Ambassador Geert Aagaard Andersen ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda Puntland door sare ku yeelan doonto ka qeyb galka shirkaasi muhiimka ah ee lagu gorfaynayo horumarka Soomaliya.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay dhankiisa in dawladda Puntland diyaar u tahay wada kasta oo loo marayo Himilooyinka lagu taaba gelinayo horumarka Soomaaliya,laakiinse uu sheegay inay muhiim tahay in miisaanka Puntland leedahay ay kaga qeyb geli doonto shirkaa,taasina ay tahay mid aan gogortan badan u baahneyn.

Sidoo kale waxaa kullankaasi looga hadlay Barnaamijka Horumarinta dhinaca mashaariicda ee ka bilowday Puntland iyo doorka dawladda Denmarka ay ka qaadan karto ka qeyb qaadashada Barnaamijkaasi,waxaana labada dhinac ay isla garteen siddii dawladda Denmark gacan ugu siin laheyd Puntland dhinaca adeegyada Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo taaba gelinta Dimuqraadiyada.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn ku tiiq tiiqsaday sida ay uga go,antahay in siyaasad furfuran oo himilo duruqsan leh lagu hago Puntland,islamar ahaan taasna Dawladda Denmark ka codsaday in ay isgarab taagan Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online