Madaxweynaha Puntland oo La kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradah (Masawiro)

November 9, 2014 - Written by Editor

IMG_5344Garoowe:-Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kullan aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee 12-Wasaaradood oo uu 8-Oc-2014 ku soo magacaabay Digreeto 13-Agaasimayaal Guud .

Madaxweyne Gaas ayaa agaasimiyaashi ka qayb galay kullanka ku wargaliyey in masuul kasta looga baahanyahay in shaqadiisa uguto sida waajibka tastuuriga ah uu farayo,islamarkaana loo baahan yahay in ay la jaanqaadaan isbadalka laguna qiimayn doono hufnaanta shaqadiisa agaasime walba.

Madaxwaynaha ayaa hadalkiisa dardaaranka ah raaciyay in loo baahanyahay howlkarnimo dheeraad ah oo ay waajibaadkooda shaqo ku gutaan,islmar ahaantaasna Masuul walba looga fadhiyo in uu Ilaaliyo hantida qaranka isaga oo ka dheeraanaya musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Agaasimayaasha Cusub ayaa dhankooda sheegay in ay jirtay habacsanaan Maamul oo baahsan kana jirtay Wasaaradaha,taasi oo ay ka taktay Xakuumadii hore islamar ahaantaana loo baahan yahay sida uu Madaxweynuhu sheegay in lagu sameeyo isbadal dhab ah iyo nidaam Dawli ah oo ka hana qaada Puntland.

no images were found

Waxana ay sidookale balan qaaden in ay fulin doonaan waajibka dastuuriga ah iyo dardaaranka Madaxweyne Gaas,wasaaradaha dhexdoodana ay yeelan doonaan wada shaqeyn kana dheeraan doonaan musuq maasuq.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online