Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Mr.Marcus Cully (Masawiro)

November 3, 2014 - Written by Editor

IMG_44251Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabilay Madaxa Amniga iyo Badbaadinta UN-ka Soomaaliya (UNDSS) Mr.Marcus Cully iyo Wafdi uu hogaaminayey.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas iyo Mr.Marcus Cully wada qaateen ayaa waxa ay uga wada hadleen dardar gelinta wada shaqeynta u dhaxeysa Puntland iyo xafiiska Amniga iyo Badbaadinta UN-ka Soomaaliya ee UNDSS.

Sidookale waxaa kullankaasi looga hadlay Xoojinta amniga Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland, waxana uu Mr.Marcus Cully Dawladda Puntland ku amaanay sida ay uga go,antahay ilaalinta iyo kor uqaadida amniga hay’addahaasi.[nggallery id=68]

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Amniga iyo Badbaadinta UN-ka Soomaaliya (UNDSS) Mr.Marcus Cully ayaa isku afgartay kor u qaadista tababarka iyo aqoonta Ciidanka Booliska Puntland (SPU) oo ah ciidanka ilaalada Hay’addaha caalamiga ah,waxana uu shirkaasi ku soo dhammaaday guul.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online