Qarax ka dhacay agagaaraha maqaaxida Pizza Café ee magaalada Muqdisho.

November 16, 2014 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qarax weyn  uu ka dhacay agagaaraha maqaaxida Pizza Café, ee ku dhow  wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay gaari Suzuki ah  oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan cida saarneyd warar qaar ayaa sheegaya in gaariga Suzuki ah  uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidanka DFS oo magaciisa lagu soo gaabiyey Mukhtaar dheere.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo gaaray  nawaaxiga goobtii uu qaraxu ka dhacay waxaana sidoo kale goobta soo gaaray gawaarida  dabdamiska.

Afhayeenka ciidanka Amniga ayaa sheegay in ay faahfaahin doonaan qaraxa ka dhacay agagaaraha maqaaxida Pizza Café saacadaha soo socda

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online