Safar dacwadeed oo balaadhan oo ay soo qabanqaabisay Mu,asasada Al- karam (Masawiro)

November 1, 2014 - Written by Editor

20141028_150610Hargeysa:-Safar  dacwadeed  oo  balaadhan oo  ay  soo  qabanqaabisay  Mu,asasada  Al- karam ee  dacwada  iyo horumarinta  ayaa taariikhdu markay ahayd 28/10/2014 waxay socdaal dacwo ku soo mareen deegaano kala duwan.

Socdaalka Dacwada ayaa waxaa hogaaminayey Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir waxaana ka mid ah deegaanada ay socdaalka dacwada ku tageen ka mid ahaa .Balikaliil, Sabawanaag, Salaxlay,Baligubadle,Gunburaha,Gumar,Balicabane,Sayla, iyo Baargoo .

Intii Socdaalka dacwada ay ku jireen culumada uu hogaaminayey Sheekh Maxamed Cumar Dirir waxaa ay deegaanada ay soo mareen ka jeediyeen muxaadaraad kala duwan waxaana ay ka hadleen mawaadiic kala duwan sida .qabyaalada ,qaadka  iyo  sigaarka ,cibaadada  ,salaada  iyo  tawxiidka,- dulmiga  noocyadiisa .- Seerayaasha ,-dhuxusha , dilka  ,jaarka  iyo arimo  kale oo  farabadan.

no images were found

Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa waxaa uu dadweynaha uga jawaabay su,aalo kala duwan.

Socdaalka Dacwo waxaa Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey culumada kala ah .
1-Sh Maxamed Xusen Cali (Deeq) gudoome xigeenka mu,asasada  al-karam ee dacwada  iyo  horumarinta
2-Sheekh Maxamed Caydiid Muxumed Imaamka iyo Khadhiibka Masjidka Bootaan ee magaalada Hargeysa.
3-Al-Ustaad  C/raxmaan Xariir  oo ah Iclaami Islaamiya.
4-Ustaad C/fitaax Cismaan  oo ka mid ah Dhalinyarada quraada ah .

Mu,asasada  Al- karam ee  dacwada  iyo horumarinta  
Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online