Shariif Xasan Sh Axmed oo loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya

November 17, 2014 - Written by Editor

shariif1Baydhabo:-Gudoomiyihii hore ee Barlamannka DKMG Shariif Xasan Sh Axmed ayaa loo doortey maanta Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.Cod gacan taag ah ayaa ergooyinka ay ugu codeeyeen Shariif Xasan Sh Axmed waxaana uu helay 373 cod waxana diiday 15 xubnood iyadoo ay ka aamuseen 8 xubnood.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Axmed ayaa goobta lagu dhaariyey waxaana isla maanta lagu wadaa in uu dhoofo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Osman Jawaari ayaa a warsaxafdeed u soo saarey saaka waxaana sheegay in natiija kasta oo ka soo baxda doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan aqbali doonin .

Dhanka kale waxaa ka dhacay magaalada Baydhabo banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Axmed .Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu ka kooban yahay Sadexda gobol ee Shabeeblaha hoose, Bay iyo Bakool.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online