Xildhibaanada baarlamaanka DFS oo ku kala dareeray Xarunta Golaha shacabka (Dhageyso+Video)

November 15, 2014 - Written by Editor

xildhibaanoMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen ay hoolka shirarka xarunta Golaha shacabka isaga baxeen ka dib markii sawaxan iyo buuq is qabsadeen.

Xildhibaanada taageersan Raisulwasaaraha DFS ayaa markii uu damcay gudoomiyaha baarlamaanka DFS in uu furo shirka waxaa ay hal mar qaadeen heestii Soomaaliyee Toosow waxaana gudoonka shirka ku adkaatay in uu xakameeyo.
Gudoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Osman Jawaari ayaa isku dayey in uu qanciyo xildhibaanada taageersan Raisulwasaarea Cabdi weli Sh Maxamed balse waa ay diideen iyaga ku dhawaaqayey erayo lid ku ah gudoonka.

Xildhibaanada taageersan Raisulwasaare Cabdi weli Sh Axmed Maxamed ayaa waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan 115 xildhibaan  kuwaas oo go,aansaday in uusan socon mooshinka lagu ridayo xukuumada .

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee sugayey amaanka ayaa indhaha ka eegayey buuq iyo sawaxanka ka socda gudaha golaha shacabka Soomaaliya .

Waa markii labaad oo ay ku guuleysteen xildhibaanada taageersan Raisulwasaare Cabdi weli in ay fashiliyaan in la qabto Kalfadhiga golaha shacabka DFS .

Hoos Ka Dhageyso Buuqa Xildhibaanada taageersan Raisulwasaare Cabdi Sh Axmed Maxamed

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/tb4dqx6quh/buuq.mp3]


Hoos ka Daawo Buuqii Xildhibaanada DFS

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online