Baarlamaanka DFS oo Ansixiyay Ra’iisul wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake
December 24, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Kulankii Golaha baarlamaanka ee Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa saaka cod aqlabiyada ah ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee DFS Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Kulanka lagu ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee DFS Dr.Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare Ceydiid C/llahi Ilka Xanaf.
Xildhibaanada kulan codka loogu qaadayey Ra’iisul wasaaraha cusub Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa ay ahayeen ilaa 224 mudane waxaan markii la guda galay codka kalsoonida u qaadid Raiisul wasaaraha cusub codka kalsoonida siiyey ilaa 218 Xildhibaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay Natiijada codeynta isaga oo si buuxdo u sheegay In Ra’iisul wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid uu helay codka kalsoonida Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ka dib markii uu codka kalsoonida hellay Ra’iisul wasaaraha cusub Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa dhaariyey Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Caydiid Ilka-xanaf.
A/cawaale
Halgan.net