Ciidamada DFS oo la wareegay gacan ku haynta Degmada Guriceel

December 15, 2014 - Written by Editor

guriceelGuriceel:-Ciidamada DFS ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka dib markii ay halkaas isaga baxeen kooxda la baxday Ahlu suna ee suufiyada oo mudo badan ka talin jirtay Degmada Guriceel.

Ciidamo daacad u ah DFS ayaa saaka kasoo ambabaxay duleedka Degmada Dhuuso Mareeb waxayna gudaha u galeen Degmada Guriceel iyada uusan wax dagaal ah ka dhicin waxaana Degmada Guriceel isaga baxay Suufiyadii.

Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cali Baashi Aadan Diiriye oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa wuxuu xaqiijiyay inay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Guriceel.

Xaalada Degmada Guriceel ayaa degan balse waxaa wili taagan Saan-saan colaadeed ka dib markii ay ciidanka kooxda Ahlu suna ay difaac ka galeen duleedka Degmada Guriceel.

Waxgaradka iyo Nabadoonada gobalka Galgaduud ayaa wada dadaal lagu soo afjarayo colaad gobalka Galgaduud taas u dhexeysa dadka ka soo wada jeeda Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ka taabacsan Ahlu suna iyo DFS waxaana khilaafka uu salka ku hayaa qaabka dhismaha maamulka G/dhexe.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online