Muxaadarada 3aad Mutamarka Islaamiga ee Koonfur Afrika Sh.Dr Maxamuud Hoori[Dhamaad]

December 25, 2014 - Written by Editor

1Johannesburg:-Waxaan si habsami leh uga socda dalka South Afrika Mutamarkii Sannadlaha ahaa ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Johannesburg(Guateng) kaas oo shalay si habsami ah u furmay waxaana maanta muxaadarada 3aad jeedin doona Sh.Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori cinwaankeeda uu yahay  qabaliyada iyo xumaanta ay ku leedahay bulshada .

Mutamarkan Islaamiga ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Majliska Al-Bayaan ee dalka Koonfur Afrika waxaana sanadkan ka qeyb galaya Mutamarka culumada kala ah .

1. Sheekh Maxamuud Shibli (Kenya)

2. Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalax (Norway)

3. Sheekh Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori (UK)

4. Sheekh Axmed Maxamuud (Axmed yare) (Somalia)

5. Sheekh Saciid Raage (Canada)

6. Sheekh Cabdullaahi Ibraahim (South Africa)

7. Sheekh Cabdinaasir Cusmaan (South Africa)

Radio Halgan ayaa si live ah u tabin doona Mutamarka ka socda magaalada Johannesburg ee dalka Sout Afrika waxaa kale oo si live u tabin doona Radio Al-Xikma oo ka howlgalada deegaanada Puntland.

Haddii aad doonaysid in aad si toos ah ula socoto Mutamarka Islaamiga ah ee Koonfur Afrika waxaan kuu sahalnay in Mobilkaaga aad si sahlan ugu shuban kartid Google Play haddii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store waxaadna ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha.

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah oo tabin doonta Insha Allaah Duruusta diiniga ah iyo Nadwooyinka Culumada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan, Radio Halgan Live waxaa ay bahwadaag la tahay Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto goballada Koonfureed.

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin.

Hoos ka Dhagayso si live Mutamarka Islaamiga ee ka socda magaalada Johannesburg ee dalka Sout Afrika

 

ama Halkaan ka Dhagayso

OgeysiismutamarHalkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

Jazaakumullaahu kheyran.
Xafiiska Dacwada
Albayaan(Guateng)

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online