Culimada iyo Odayaasha Gobolka Sool oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood
December 16, 2014 - Written by EditorLaascaanood:- Culimada iyo Odayaasha Gobolka Sool oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaan ay shirkooda uga hadleen Dhibaataadii ka dhacdey maaalinnimadii Shalay. Culimada iyo odayaasha ayaaa ku baaq in si deg deg ah loo joojiyo dilalka ka dhex socda dadka walaalaha ah.
Culimada iyo Odayaasha Gobolka Sool ayaa waxaa ay socdaal ku gaareen deegaankii dhibku ka dhacay iyagoo u diray wafdi dhex dhexaad ah oo iskugu jira odayaal iyo culimo waxaan ay markii danbe uga sii gudbeen deegaanka Saaxdheer iyaga oo haatan dib ugu soo noqday Dabataag.
Dhinaca Kale waxaa ka soo Ambabaxey Deegaamada Karin Dabayl , Boocame , Buuhoodle , Odoyaal iyo Madaxdhaqameed Si nabad loogu soo dabaalo deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ee Deegaamada Dharkeyn ,Saaxdheer, iyo Docmo.
Waxaa iyaguna dhinacooda Baaq nabadeed soo saaray Shiikh Aadam Wali iyo Sh Maxamed Maxamuud Xalliike, Iyagoo sheegey, Dhalasho ,Xigto ,Xigaal iyo Xididba La Wada Yahay Allena Looga Baqo Dadka Danyarta ah ee Birimagaydada ah , Sida Caruurta Dumarka wim .
Wararka iyaguna ka imaanaya dhinaca xuduuda ayaa sheegay in Ciidamo dawlad deegaanka Itoobiya ka tirsan ay soo gaadheen deegaanka si ay uga hortagaan in mar kale halkaasi dhibaatooyin ka dhacaan.
Waxaa kale oo iyana socoda dadaalo lagu doonayo in nabad waarta laga dhex dhaliyo shacabka walaalaha ah ee mashaqooyinka soo noqnoqonaya hadba dib uga dhex aloos mayaan , iyada oo Labada Beelood ay Nabadaynta Ka dhex wadaan Culimada iyo Odoyada Dhaqameedka Gobolada Sool yo Cayn .
Mowliid Ismail
Lascanod,Halgan.net