Culimo iyo aqoonyahanka Gobolka Sool oo ku baaqay in la joojiyo colaad Sool.[Masawiro/Video]
December 16, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa maanta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ka baxay Culimo Odayaal iyo Aqoonyahano kuwaas oo u ambabaxay Xaalada colaadeed oo shalay ka soo cusboonaaday Koonfurta Gobolka Sool kuwaas gaadhay magaalooyin Dabataag iyo Saaxdheer waxaana si weyn Loogu soo dhaweeyay culimada iyo odayaasha Nabada u istaageen.
Waftigan ayaa waxa ay u hoydeen Magaalada Saaxdheer waxa ayna kulamo la qaadanayaan Garaadka Guud ee Beelaha Gobolda Sool Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali iyo nabadoonada Deegaankaasi sidoo kale waxaa Kulamo ay la qaadan doonaan odayaasha iyo wax Garadka Deegaanka Dabataag iyo Dharkayn.
Culimadan ayaa waxa ay bilaabi doonaan inay dadka wacyo galiyaan oo dadka u sheegaan qiimaha nabada iyo Horumarka Sidoo kale waxa ay u sheegi doonaan dhiiga qofka muslimka ah la ilaaliyo dhiigiisa oo aan la daadin waxaana ay culimada wacdi diiniya ka jeedin doonaan masaajida iyo Goobaha bulshadu xoolaha ka waraabsato.
Colaadan ayaa dhacday ka dib markii dad wax magarto ah ay shalay Gaadhi Xamuul ah u galeen halka Loo yaqaan Xarrar Daan yeerta Halkaas oo ay ood Rasaas kaga qaadeen waxaana falkaas ka dib isna dhacay Fal laga naxay kaas oo ka dhacay Deegaanka Geel Boon oo ka mid ah Saaxdheer Hallkaas oo dad aan nabada jeclayn ay ku dileen nin kuna dhawaceen nin kale Mashaqadan ayaa Culimada iyo aqoon yahanku dusha ka saareen dad diidan wada Noolaanshaha umada Gobolka Sool.
no images were found
Hoos ka Daawo culimo iyo aqoon yahanka Gobolka Sool oo ku baaqay in la joojiyo colaad Sool
C/kariim C/llahi
Lascaanood , Somalia