Culimo ka tirsan Majliska Al_bayaan oo socdaal dacwo ku tegay magaalooyinka Durban iyo Gauteng.[Masawiro]

December 13, 2014 - Written by Editor

du14Durban:-Waxaa shalay oo ahayd subax khamiis ah oo ku beegan 11/12/2014 ayaa waxaa soo gabagabeeyey qaar ka mid ah culimada iyo ducaada Majliska al-bayaan safara dacwadeed oo ahaa mid qorsheesnaa sanadkaan waxaana safarkii ugu danbeeyay ay culimada ku aadeen magaala xeebeedka Durban oo ah magaalada dekeda ah ee ay ka soo degaan lagana dhoofiyo inta badan badeecadaha wadanka, magaaladan oo Jaaliyada Soomaalida ay ku soo xoogaysanaayeen sanadihii ugu danbeeyay ayaa waxaa ku yaala Masjid iyo Madarasado ay Aasaasteen dadka Soomaalida ah ee halkaa degan, masjidkaan oo la aasaasay 5 bil ka hor ayaa jaaliyada Soomaalida ee Durban ay aad ugu nasteen kana heleen baahida u qabaan barashada diinta islaamka.

Waxaa wafdiga u baxay Durban hogaaminaayay Sheikh c/risaaq mowlaanaa oo ka mid ah aasaasayaasha majliska al-bayaan waxaana ka mid ahaa xubnihii wafdiga Sh. Maxamed Aadan C/lle oo ah gudoomiyaha gudiga dacwada ee gobolka Gauteng, Sheikh shariif abuukar afeey oo ah gudoomiye ku xigaha gudiga dacwada gobolka Gauteng, iyo Macalim bishaar oo ka mid ah macalimiinta madarsada al-bayaan.

Wafdiga intii uu ku sugnaa Durban oo ahayd habeen iyo maalin ayaa waxaa u suurtagashay in ay soo jeediyaan labo muxaadaraad oo ahaa bacdal maqrib iyo sidoo kale ayagoo qaabilay gudiga dacwada ee Durban oo ay isla meel dhigeen sidii loo hormarin lahaa dacwada Durban iyo guud ahaan dalka Koofur afrika si gaar ah jaaliyada soomaalida, waxaa ay xuseen ducaada Durban in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashadan qiimaha badan ee culimada al-bayaan ku yimaadeen magaalada Durban ayna rajaynayaan in si joogta ah ay culimada u soo booqdaan, wafdiga ayaa ayaga u mahadnaqay culimada Durban soo dhawayntoodii ay soo dhaweeyeen iyo sidii qiimaha lahayd ee duruustii ay bixinaayeen loo dhagaysanaayay.

Waxaa kale oo culimada ay booqdeen Durban ka hor magaalada Rustenburg oo jaaliyada soomaalida si wayn u degan yihiin, magaalada rustenburg oo leh markaz islaami ah oo ay gacanta ku haayaan ducaad ka tirsan al-bayaan ayaa waxaa booqashadooda ku aadaneed maalintii axada ahayd oo bishana ay ahayd 07/12/2014 waxaa culimada u suurtagshay xiligii ay ku sugnaayeen rustenburg in ay la kulmaan hogaanka odayaasha soomaalida ee degan rustenburg iyo gudiga dacwada ee magaalda.

Waxaa kale oo culimada ay jeediyeen seddex muxaadaro oo mid u gaar ahayd dumarka labana loo jeediyay raga oo si wayn u soo camiray barxadii ay ka socotay muxaadarda. Wafdiga culimada ee aaday rustenburg oo uu hogaaminaayay Sh.Maxamed Aadan C/lle ayaa waxaa wehliyay sheikh shariif abuukar afeey iyo sheikh maxamed xasan xakaar oo ah imaamka masjidka Pretoria ee koofur afrika.

Ugu danbaystii waxaa allah mahadii ah in culimada ay u soo gabagaboowday safaradii qorsheesnaa sanadkan ee lagu kala bixinaayay gobolada dalkan qaar ka mid ah ayna ahayeen safaradii lagu kala bixiyay Durban iyo rustenburg kuwii ugu danbeeyay ee gobollada loo baxo.

Gudiga dacwada al-bayaan ee gobolka Gauteng ayaa qorsheeyay in ay booqdaan culimada shanta gobol ee hoos imaado dacwo ahaan arintaa oo lagu guulaystay.

no images were found

Waxaa diyaariyey
Maxamed Aden C/lle

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online