Dagaal ka qarxay Degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud

December 13, 2014 - Written by Editor

dagaalGalgaduud:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud gaar ahaan Degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in saaka Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Ahlusuna ee suufiyada uu ka bilowday degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday markii ciidanka DFS  ay weerar ku qaadeen xerada 26aad halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan suufiyada intaas ka dib ayaa waxaa uu dagaalku ku fiday gudaha Degmada Dhuusa Mareeb .

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka ka socda saaka Degmada Dhuusa Mareeb kaas oo daba jooga dagaal shalay ciidanka DFS looga saaray Degmada Guriceel.

Ciidamo ka tirsan kuwa DFS iyo kuwa Ahlu suna ayaa abaabul iyo gurmad wada xili ay cuqaasha iyo nabadoonada gobalka ay wadaan dadaal lagu joojinayo colaad ka jirta Degmada Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee u dhexeysa ciidanka DFS iyo Ahlu suna .

Saraakiil ka tirsan kooxda Ahlu Suna ayaa ku eedeeyey DFS in ay iyada ka danbeyso hurinta colaada ka jirta Degmada Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ka dib markii ay soo dirtay wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibada Mahad Maxamed Salaad wafdiga oo wada qorshe Maamul gobaleed loogu sameynayo gobalada dhexe arinkaas oo aysan kooxda Suufiyada ogaleyn.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan DFS ayaa sheegay in dagaalka Ahlu suna ay bilaabeen ayna magaalada ka saareen kooxda Ahlu Suna ayna la wareegeen inta badan Degmada Dhuusa Mareeb . Goobjoogayaal ku sugan Degmada Dhuusa Mareeb ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ciidanka DFS ay qabsadeen xerada 26-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya  iyo Koontaroolka Koonfureed ee Degmada Dhuusa Mareeb

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online