Dhismaha cusub ee Machadka Caafimaadka ee magaalada Laascanood.[Masawiro]
December 16, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Magaalada Laascaanood ee xaruta Gobolka Sool ayaa waxaa laga Dhisay Dhisme Machad Caafimaad oo cusub iyadoo magaalada uu ka jiray Hal Machadka Cafimaad oo kaa soo ah Sool Intistute of Heath and Sceince oo ahaa Machadka kaliya ee Caafimaadka Lagu Barto ee Magaalada Laascaanood ka howl gala.
Dhismahan Cusub Waxaa Loogu tala galay in Cilmiga Caafimaadka ay ka bartaan Da’yarta Mustaqbalka ee loogu tala galay inay deegaanka iy dalkaba ka Haqabtiraan Caafimaadka Mustaqbalka . Gobolka ayaa waxaa in mudo ah ka Furnaa Machad Caafimad oo ay wax Ka Bartaan dhalin yarada Caafimaadka , kaasoo Lagu Magacaabo Machadka Sool ee Barashaada Caafimaadka (Sool Intistute of Heath and Sceince).
Maamulaha Guud ee Machadka Caafimaadka ee Sool Intistute of Heath and Sceince Marwo Zam Zam Ducaale Muuse oo ka mid ahayd Lixdii Qof ee Iska lahaa Fikradii Machadka ayaa Ka Warantey Taarikhdii uu Soo Marey Machadka. Marwo Zam Zam Ducaale waxey sheegtey in Machadkan Magaalada Laga Aas aasey 12-06-2008 iyado Ilaa waagaa ay wax ka Baranayeen arday badan , Halka Dhismaha Machadkuna uu ahaa mid kiro ah .
Lix Sano oo uu Machadku Shaqeynayey waxaa Ka Qalin Jabiyey 119 Arday oo Saddex Dufcadood kala ahaa Sanadadii 2011, 2012 iyo 2014 .
Dhismaha Machadka Cusub wuxuu ka Kooban yahay 5 Fasal oo loogu tala galay In Ardaydu wax ka bartyaaan , 3 Xafiis , iyo Hal Hool , iyo Qayb Lab iyo Maktabad Akhris iy Baadhis Cilmiyeed ( Library and Labatory).
90 % Waxaa Dhistey Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland 10 % ay Dhistey Hay’adda La Yiraahdo THET oo Fadhigeedu yahay Wadanka Ingiriiska Caafimaadkana ka shaqeysa .Guud ahaan Kharashka Dhimahan Waxaa ku Baxey 300.000 USD . Sool Intistute of Heath and Sceince oo uu Wareegi Doona dhismahan iyadoo Maalinadii Shalay Xadhiga uu ka jarey Mid Ka Masuuliyiinta Somaliland .
no images were found
Mawliid Isma Haradigeed
Laascaaanood Somalia