Dowro iyo Mu’tamar islaami ah oo ka bilowday masjidka Al-huda ee Finland.[Masawiro]

December 27, 2014 - Written by Editor

sawir 6Helsinki:-Waxaa ka bilowday masjidka Al-huda ee magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland siminaarkii lixaad (6aad) oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada Horseed Nuoriso (Dhalinyarada Horseed) ee masjidka Alhuda. Siminaarkan oo soconaya 20-30 December 2014 looguna talagalay dhalin yarada, waxaa lagu qaadanayaa ama looga hadlayaa arimahan soo socda.

Caqiidada qofka muslimka ah iyada oo lagu dhiganayo Kitaabka Sulamul wusuul ilaa cilmil usuul, Waxaa dhigaya labada Sh.Dr. Cisman Faraax Cali oo ooga yimid dalka Ingiriiska iyo
Sh Cabdiweli Sh Maxamed Xaaji Yussuf imaamka masjidka.

Waxaa kale oo dowradaasi barbar socda Mu’tamar Islaami ah oo lagu diraasayn doono arrimaha qoyska , cinwaankiisuna yahay Qoysaska iyo Caqabadaha hortaagan, mowduuc ku saabsan caafimaadka iyo weliba wacyigalin bulshada. Waxaa ka qaybqaadanaya culimada iyo aqoonyahan badan, oo ay ka mid yihiin.

Dr. Cisman Faraax Cali, Sh. Bashiir Shiil, Sh. Saciid Faarax oo iyagu booqasho dacwi ah nooga yimid dalalka Kanada iyo Ingiriiska . Sidoo kale waxaa ka qayb qaadanaya culimada Markazka ee kala ah :-

Sh.Cabdiweli Sh Maxamed Xaaji, Sh. Maxamed Sheekhow, Sh. Abdullahi Adan, Sh. Ismaciil Kaahin, Sheekh. Cabdirisaq Sugulle, Sheekh. Axmed nuur, Sh.Cabdisalam Kahin Sh. Yunus Maxamud iyo weliba Ustaad Axmed-weli Daahir Xaddi oo ka mid ah ducaadda Markazka , kuna taqasusay arrimaha caafimaadka. Dowrada iyo mu’tamarka ayaa waxaa la soo gabagabayn doonaa 30.12.2014, iyadoo muxaadaraadka aanu dib idiinka soo gudbin doono hadduu Allaah idmo.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online