Ergedii Nabadeynta ee Laascaanood oo Taleex lagu soo dhaweeyey
December 29, 2014 - Written by EditorTaleex:Gudig ka kooban ilaa 72 Qof oo ka Ambabaxay magaalada Laascaanood ee caasimada Gobolka Sool 27 Bishaan ayaa tegay magaalada Taleex ee Gobolka Sool , Ujeedada socdaalka gudigan ayaa ahaa inay ka qayb qaataan dib u heshiisiinta 2-da beelood ee Taleex dega iyadoo ay si dar dar leh howshii ay u tageen ee Nabadaynta Labada Beelood ee Taleex uga Socoto .
Wafdigaan oo uu hogaaminayso Marwo Caasha Haybe Jaamac Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Hooyooyinka Dacwada ee Gobolka Sool ayaa la kulmay maalimadii shalay iyo maanta ilaa 5 garab oo kala ah 2-da garab oo dhinaca Ragga ah ee Labada Beelood ee Nabadayntu uga socoto Taleex , iyo 2-da garab ee dhinaca dumarka ah ee Labaa Beelood ,iyo garabka gudiga dhex dhexaadinaya Nabadaynta 2-da Beelood.
Gudoomiyiye Marwo Caasha Haybe Jaamac Yuusuf oo ah Madaxa Ergadan u tegey Taleex ayaa ka warantay in ay kala kulmeen aqbalaad iyo soo dhawayn 2-da garab ee Heshiisku ka dhexeeyo .
‘Markii aanu Tagney Magaalada Taleex waxaanu la kulnay soo dhawayn Ballaadhan oo dad waynaha Magaalada , Waxaanu 48-dii Saac ee u danbeeyey la kulanay 5 garab oo midi tahay Gudiga dhex dhexaadinta , iyo Afar garab oo rag iyo dumarka 2-da Beelood ee walaalaha ah , waxay naga dhagaysteen wacdigeenii iyo nabadayntii aan ugu baaqney iyagoo noo ballan qaadeen inay ku kala baxayaan Shareecada Islaamka iyo Nabadana ay diyaar u yihiin ayey Tidhi Gudoomiye Caasha Haybe .
Isku soo wada duuboo waxaa hadda meel wanaagsan maray wajigii kowaad ee Nabadaynta 2-da Beelood ee Taleex wada dega. Iyadoo ay Goob ka joog ka yihiin Gudiga Ballaadhan ee Dhexdhexaadinta .
Mawliid Isma Haradigeed.
Lascanood,Somalia