Faahfaahin Socdaalkii Madaxweynaha DFS ku tagay magaalada Kismaayo (Masawiro)
December 18, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha DFS iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)
Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha DFS Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa in uu ka qeyb galo xaflad sagootin ah oo loo qabanayey Ciidamada Seirra Leone ee ka midka ahaa howl galka AMISOM ee gobalka J/hoose.
Xaflada loo qabtay sagootinayay Ciidamada Seirra Leone ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Taliyaha ciidanka Sierra Leone waxaana Madaxweynaha uu bilad sharaf uu gudoonsiiyey Taliyaha Seirra Leone oo mudo sanad ah ku sugnaa magaalada Kismaayo.
Ciidamada Seirra Leone ayaa waxaa ay dib ugu laabaya dalkooda ka dib markii uu dalkaas ka dilaacay cudurka Ebola oo dad badan ku dilay dalalka ka tirsan Afrika.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad kooban ka jeediyey xaflada sagootinta ee loo qabtay Ciidamada Seirra Leone wuxuuna sheegay in la waayey ciidamadii lagu badali lahaa ciidanka Seirra Leone ka dib markii dalkaas uu ka dilaacay cudurka Ebola.
no images were found
Ciidamada Seirra leone ee ku sugnaa gobalka J/hoose ayaa gaarayey ilaa 850 askari waxaana ay ka howlgali jireen magaalada Kismaayo waxaana haatan lagu badalay ciidamo ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya .
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu sidoo kale la saxiixday heshiis Madaxweynaha Maamulka KMG ee Juba waxaana lagu badalay magacii KMG ee Juba Maamul Gobaladeedka J/land.
Cabdi Yare
Kismaayo