Garoonka Diyaaradaha Qardho oo si rasmi ah u bilaabay Duulimaayadii Diyaaradaha.[Masawiro]

December 27, 2014 - Written by Editor

2Qardho:-Waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday garoonka diyaarada ee magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar duulimaadyadii diyaaradaha ee dhawaan loo soo wareejiyay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, waxaana saaka soo caga dhigtay Garoonka Magaalada Qardho laba diyaaradood oo ka soo kictamay wadanka Kenya .

Howlahan uu bilaabay garoonka diyaaradaha ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay masuuliyiinta Gobolka, Masuuliyiinta degmada iyo dhamaan shacabka ku nool gobol Karkaar.

Gudoomiyaha gobolka Karkaar C.quraan Maxamed Aadan iyo duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo oo saxaafada kula hadlay gudaha Garoonka ayaa sheegay in duulimaadyada si toos ah
ay uga bilowdeen Garoonka Magaalada Qardho amaanka garoonkana aad loo adkeeyay, waxayna mahad celin ujeediyeen Dowlada Puntland iyo dhamaan shacabka ku nool gobolka Karkaar oo ka qayb qaatay howlaha iyo dayactirka garoonka.

Maareeyaha Garoonka Maxamed Xayir Siciid oo faahfaahin ka bixiyay nooc diyaaradaha ee maanta soo cagadhigtay garoonka qardho ayaa sheegay inay ahaayeen laba diyaaradood oo isku nooc ah ayna sideen Qaad dhawaan ay rajaynayaan inay soo degaan kuwa qaada Rikaabka.

no images were found

Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu madaxweyne kuxigeen ka dowladda Puntland Eng. C/xakin c/llaahi Cumar Camay uu soo gaaray magaalada Qardho sheegayna in dhamaan duulimaadyadii Boosaso loo wareejiyay Qardho islamarkaana garoonka Qardho ay ka howlgali doonaan dhamaan Hay’addah khuseeya Howshaa.

Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)
Qardho-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online