Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee gobolka Mudug oo qarax ku dhaawacmay (Dhageyso)
December 21, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay qarax saaka ka dhacay magaalada Gaalkacayo kaas oo lagula beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi.
Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miino dhulka loogu aasay gaarigii ii watay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi wuxuuna qaraxa ku dhaawacmay gudoomiye ku xigeenka iyo mid ka mid ah ilaaladiisa waxaana la dhigay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya xaalada caafimaad ee guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi balse taliyaha ciidanka Booliska Cabdullaahi Shire Nuur dool ayaa sheegay in uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug uu gaaray dhaawac fudud xaaladiisana ay wanaagsan tahay.
Waa markii labaad ee Farxaan Cali Xirsi uu isku day dil ka badbaado waxaa sidoo kale uu ka badbaaday qarax miino oo lala eegtay gaarigiisa 8 Novembar sanadkii 2011.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa howlgalo laga sameeyey waxaa la qabtay dhalinyaro dhowr ah oo ka tirsanaa kooxaha aminaayka al shabaab waxaana wili ka howlgala kooxo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas ku dhuumaaleysta Koonfurta magaalada Gaalkacyo .
Hoos ka Dhageyso Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug oo warbaahinta la hadlay
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/em41f4bc1d/xaad.mp3]
M_M Deeq
Halgan.net