Guddoomiye ku xigeenkii arimaha waxbarashada Jaamacad SIMAD oo la dilay
December 10, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa saaka lagu dilay Is-goyska KPP ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho Gudoomiye ku-xigeenkii Jaamacadda SIMAD ahaan madaxii waxbarshada ee Jaamacadda SIMAD. Gudoomiye ku-xigeenkii Jaamacadda SIMAD ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamuud Xaamud waxaa kale oo uu ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho.
Allaha u naxariistee marxuun Ibraahim Maxamuud Xaamud ayaa waxaa dilay koox hubaysan oo toogtay xili uu gaarigiisa watay una socoday xarunta Jaamacadda SIMAD.
Ilaa hadda lama yaqaan kooxda dishay masuulkaan ka tiranaa Jaamacadda SIMAD ahaan dadka wax galka u ahaa magaalada Muqdisho kuna howlanaa in ay wax baraan jiilka yar yar ee soo koraya.
Jaamacadda SIMAD ayaa mar waxaa gudoomiye ka ahaan jiray Madaxweynaha dowladda Federeelka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ka hor inta uusan xilkaan qaban.
Dilalka qorshayn ee loo maleego haldoorka iyo siyaasiyiinta ku nool guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa wax caadi ah ka noqday magaalada xili marar badan ay hay’addaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in ay ka hortagayaan amni xumida iyo dilalka ay magaalada ka fuliyaan amniyaadka ururka Al-shabaab iyo kooxaha kale ee burcadka ah.
A/cawaale
Halgan.net