Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Safiirka Sweden iyo Ergeyga QM ee Soomaaliya

December 8, 2014 - Written by Editor

DSC_3078Muqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya iyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindvall ayadoo kulankii xigayna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niklos Key waxaana uu wadajir kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii ay kusoo gebageboobeen kulammadii Baarlamaanka.

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindval iyo Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key waxa ay si wadajir ah u ammaaneen sida ay kusoo gebageboobeen doodihii Baarlamaanka iyo kulankii codeynta mooshinka kalsoonida uu Baarlamaanka kala laabtay Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli waxaana ay dhanka kale wadajir u ballan qaadeen iney sii wadi doonaan taageerrada ay la garab  taagan yihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka taageerrada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo sidii ay u tixgeliyeen codsigiisii la xiriiray in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya loo siiyo fursad iney arrimahooda xal ka gaaraan oo aanan lagu faragelin.

no images were found

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online