Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed Baaq ka soo saartay Colaada gobalka Galgaduud.
December 1, 2014 - Written by EditorGalgaduud:-Gudoomiyaha Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed Sheekh Dr Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay maanta warbaahinta ayaa sheegay in Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed ay canbaareynayaan dagaalka ka socda Galgaduud waxaana uu sheegay in dagaalkaas uu yahay mid fitno ah aysana banaaneyn in la daadiyo dhiiga Muslimiinta
Gudoomiyaha Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay waxgaradka ,Nabadoonada ,Culuma.udiinka in ay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa colaada ka soo cusboonaatay deegaanka Warshube.
Dagaalada ka dhacay deegaanka Warshube ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 16 ruux waxaana ku dhaawacmay 20 kale kuwaas oo la geeyey xarumaha caafimaadka ee Degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay sidoo kale DFS iyo dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Warshube in la joojiyo colaada iyo dagaalka wuxuuna si gaar ah ugu baaqay masuuliinta DFS in ay masuuliyadooda ka soo baxaan.
A/Cawale
Halgan.net