Leicester oo lagu qabtay barnaamij cilmiyeed lagu baraneyey sida uu qofku isu horumarin karo.[Masawiro]

December 20, 2014 - Written by Editor

self dev 5Leicester:-Hay’adda J J Services oo fadhigeedu yahay magaalada Leicester ayaa maanta ku qabtay xarunta SOCOPA ee xaafadda St Matthews Leicester barnaamij cilmiyeed lagu baranayey sida uu qofku isu horumarin karo {Self development}. Kulankaas waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah waxgaradka magaalada Leicester oo isugu jiray waalidiin iyo aqyaar kaleba. Kulankaas waxaa cashar aad iyo aad looga dabadhacay kasoo jeediyey aqoonyahan C/xakiim Jaamac Jooje oo qibrad weyn u leh barnaamij yada arimaha bulshada iyo qaabk loo hormariyaba.

Waxaa uu Cabdixakiim ku baraarujiyey dadkii barnaamijkaas kasoo qeybgalay sidii ay u sameysan lahaayeey hadaf iyo yool ay higsadaan taasoo ay ku gaari karaan horumar la taaban karo. Sidoo kale waxaa isagana kalimad kooban halkaas kasoo jeediyey Macalim Maxamed Saalax oo waalidint u iftiimiyey sida ay ubadkooda iyo iyagaba ay lagama maarmaanka u tahay in ay ka faa’ideystaan barnaamijyada noocaan oo kale.

Ugu danbeyntii waxaa halkaas loogu mahadceliyey Hay’adda Socopa oo runtii martigalisay barnaamijka iyo hay’adda Aqoon Home Support Services oo runti suurto galisay qeyb ka mid ah qabsoomidda barnaamijka. Sidoo kale waxa halkaas loogu mahadceliyey dhammaan dadkii kasoo qeyb galay barnaamijka.

Sidoo kale hay’adda JJ Services waxaa ay halkaas kusoo bandhigtay barnaamijyada ay dooneyso in ay dhawaan fuliso oo ay ka mid yihiin { Daryeelka macaamiisha, maareynta waqtiga, Team working, Interview skills iyo qaar kaloo baddan.

Runtii barnaamijkii maanta wuxuu ahaa mid aad looga dabadhacay oo ay ka soo qeyb galayaashi ay aragtidood ka dhiibteen ka dib markii la soo gunaanaday barnaamijka, taaso ay aad ugu amaaneen mas’uuliyiinta hay’adda iyo sida ay had iyo heer xil isaga saaraan barnaamijyada waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan waxa ay aad ugu bogaadiyeen C/xakiim Jaamac Jooje oo isagu ahaa aqoon yahan kii barnaamijka soo jeedinayey.

no images were found

Wabilaahi towfiiq
Iftiinshe Media

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online