Mac-hadka sare ee ducaadda oo laga furay magaalada Hargeysa [Masawiro +Video]
December 15, 2014 - Written by EditorHargeysa:-Waxaa laga furay magaalada Hargeysa ee xarunta S/land Mac-hadka sare ee ducaadda oo lagu barto Shareecda Islaamka waxaan furitaanka xaflada machadka ka soo qeyb galay culumo’udiin ,aqoonyahano ,iyo Salaadiin .
Ugu horey xaflada furitaanka ee Mac-hadka sare ee Ducaadda waxaa ka hadlay madaxa macaahida Sharciga Sh.Axmed Cabdi Samed isaga oo warbixin kooban ka bixiyey ahmiyada Macaahida lagu barto Shareecda guud ahaan iyo Machadka sare ee Ducaada ee laga furay Hargeysa.
Waxaa sidoo kale Xaflada lagu Furay Machad sare ee lagu diyaarinayo Ducaada ka hadlay Sheekh Maxamed Ibraahim Jaamac ,madaxa guud ee Macaahida Sharciga iyo madaxa maaliga ee Macaahida Sheekh C/laahi Abu Macaali waxaana ay dhamaan u mahad celiyeen culumada xaflada timid waxaa ay sidoo kale mahad balaaran u jeediyey walaalsha ku tabarucay dhulka laga dhisay machadka Hinda Cabdi iyaga oo alle uga baryey in uu sadaqo jaari ah uga dhigo.
Sheekh Axmed Cabdi Samed Gudoomiyaha Macaahida Sharciga ayaa sheegay in machadkan loogu talo galay dhamaan ardaya ka soo baxda kuliyada shareecda iyo daraasaatul culyaa si loogu diyaariyo in dalka ay ducaad ka noqdaan ayna buuxiyaan kaalimaha banaan. Machadka ayaa ardayda ka baxda waxaa la siin doonaa shahaado sare oo ka sareysa Jaamacada waxaana mudadiisa ay tahay laba sano.
no images were found
Sh.Axmed Cabdi Samed ayaa si kooban uga warbixiyey macaahida Sharciga ah iyo dowrka culumada dhidibada u aasay macaahida oo ay ugu horeeyaan fadiilat Sheekh Cali Warsame Xassan ,Sheekh Bashiir Axmed Salaad,Sheekh C/naasir Xaji Axmed,Sheekh Yuusuf Aden Maxamed iyo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ,Sheekh Dr Axmed xaji C/raxmaan Raximahulaah.
Waxaa ugu danbeyntii ka hadlay Xaflada dhamaan hay,addaha Islaamiga ah iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha S/land iyo weliba Muuse Shadey oo ka tirsan wasaarada waxbarashada ee S/land. Dadweynaha ku dhaqan S/land ayaa si weyn u soo dhaweeyey machadka sare ee ducaada iyaga oo ka faa,idaysan doona.
Hoos ka Daawo Xaflada Furitaanka Machadka Sare ee ducaade ee laga furay magaalada Hargeysa
Halgan.net
Hargeysa.