Madarasada Taqwa ee Laascaanood oo abaalmarino gudoonsiiyey Arday.[Masawiro]
December 5, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Malcaamada Taqwa oo ka mid ah Xarumaha Lagu barto Qur aanka kariimka ee ku yaala Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa munaasabad u qabatay arday dhigta malcaamadaas Malcaamadan oo qur aanka laguxifdiyo waxaa sidookale halkaas abaal marin lagu siiyay ardayad Qur aanka Mudo Kooban ku dhamayasay.
Munaasibadan ayaa waxaa kahadalay Maamulaha Xaruntaas Sh Cabdilaahi Towxiid oo dhawaan qoray manhaj uu ugu talagalay dhamaan macalimiinta soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka muslimka ah Sh Cabdilaahi ayaa ka sheekeeyay qaabka ay ubadka yar yar wax ugu dhigaan.
Sidoo kale waxaa halkaas kahadaly gudomiyaha Jimciyada Qur aanka kariimka ah ee Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn Sh Shucayb oo tilmaamay muhiimda ay munaasibadahan oo kale ardayda u leeyihiin gaar ahaan ardayda oo lagu dhiirgaliyo waxana uu balan qaaday in ay lashaqayn doonaan Malcaamadan Taqwa ee magaalada laascaanood.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu halkaas shahaado ku gudoonsiiyay In aad uyar oo qur aanka dhamaysay oo baratay qaababka kaladuwan ee qur aanka loo akhriyo halkaas oo si wayn ugumahad Celiyeen waalidkii gabadhaas dhalay.
Waxaa sidoo kale halkaas kahadlay waalid macalimiin ardayda ayaa waxa ay soo bandhigeen waxyaabaha ay ka barteen malcaamada Taqwa ee Magaalada Laascaanood,dhamaan dadkii ka sooqayb galay ayaa siwayn ulayaabay aqoonta ay akhrriyeen ardaydaas waxana ay akhriyeen sifaadka qur aanka kariimka gaar ahaan qofkasta waxa uu ka jawabayay suu aalo ay maclimiintu waydiiyeen.
no images were found
c/kariim c/laahi
Lascanod,Somalia