Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo booqday Galgala.[Masawiro]
December 2, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2-12-2014 booqasho ku tegay Magaalada Galgala oo dhawaan ay si buuxda ciidamada Puntland ugala wareegeen Malayshiyo katirsan ururka argagixisada ah ee Al-shabaab.
Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku tagay magaalada Galgala ayaa waxaa ku wehliyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland ,Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ,saraakil katirsan ciidanka Puntland iyo masuuliyiin kale.
Cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa salaan sharaf siiyey madaxweyne Gaas waxana uu si kal iyo laab ah u salaamay dhammaan ciidanka xooga Daraawiishta Puntland ee halkaas ku sugan kuwaasi oo ubabac dhigay soo afjairida Koox diimeedka Al-shabaab.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khdubad dheer oo dhiirigelin ah u jeediyey Ciidanka ayaa sheegey in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ugu tagay Ciidanka Daraawiishta Puntland eek u sugan jiidaha hore difaaca.
‘’waan ku faraxsanahay inaan idinku soo booqdo difaaca iyo dagaalka aad kula jirtaan cadowga islaanka,cadowga soomaaliyeed iyo cadowga Puntland ahna burcad diimeed xumeeyey magaca islaamka’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
‘’Magaalada Galgala oo ah magaalo qadiimi ah oo maanta saad aragtaan dadkii ku noolaa ay ka barakiciyeen kana dhigeen qaxooti marka nin sheeganaya magac islaameed oo dadkaa gurayhoodii intuu kararo degaya oo barakicinaya waxay ila tahay inuusan jirin qof ka wanaagsan oo lagu jihaado’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
‘’Waxaan ka codsanaya dadka reer Puntland oo dhan meelkasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan inay hiil iyo hooba la garab istaagaan uhiiliyaan oo welibana taakuleeyaan ciidamadooda’’Ayuu hadalka sii raaciyey Madaxweyne Gaas.
‘’Waxayna difaaca ugu jiraan waa guryihiini, waana kuwa nabada aad ku joogtaan Puntland meel walba dhaliyey ee mas’uulka ah, cida udhimanaysa difaaca dalka iyo cida uhuraysa nafsadooda waa ciidamada’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa magaalada Galgala waxaa uu kulamo kula qaatay odayaasha magaalada isagoona ku dhiiri geliyey inay si habsami leh ula shaqeeyaan ciidanka islamarkaana gacan weyn ka geystaan sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadkii kabarakacay magaalada Galgala.
Madaxweyne Gaas iyo wafdigii balaarna ee uu hogaamniyay ayaa waxay qado sharaf kula qaateen magaalada Galgala Saraakiisha iyo dhammaan ciidanka jiida hore ee buuralayda galgala difaaca kaga jira isagoona ugu hambalyeeyey howsha adag ee ay uhayaan shacabka iyo dawladooda.
Madaxweyne Gaas ayaa dalacaad xidigle ah ku siiyey askari kamid ah ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan jiida hore ee difaaca Buuralayda Galgala, askarigaas oo ku galabsaday dalacaadiisa baraarujinta iyo dhiirigelinta ciidanka uu la garab taagan yahay markasta iyo goor kasta oo uu ciidanka howlgal kujiro, isagoona had iyo jeeraale qaab suugaaneed ku dhiiri geliya ciidanka.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.