Madaxweynaha DFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi
December 29, 2014 - Written by EditorQaahira:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar waxaana ay halkaas kula kulmeen masuuliin ka tirsan dowlada Masar iyo Jaamacada Carabta.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu casumaad ka helay dhigiisa dalka Masar Jen Abdel Fattah el-Sisi, waxaana ay kulan dheer ay ku wada qaateen xarunta madaxtooyada dalka Masar.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu sidoo kale kulan la qaatay xog-hayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Nabil Elaraby iyo masuuliin kale oo ka tirsan jaamacada Carabta.
Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha dalka Masar ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka laba dal iyo xaalada guud ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa balan qaaday in dowladiisa ay taageero dhinac walba ah la garab istaagi doono DFS.
A/Cawale
Halgan.net