Madaxweynaha DFS oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Koofur Galbeed
December 3, 2014 - Written by EditorBaydhaba:-Madaxweynaha Jamhruiyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Beydhaba uga qeyb galay caleema saarka Madax weynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed.
Khudbad uu Madaxweynuhu jeediyay wuxuu ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay labadii sano ee na dhaafay ee dhinacyada dhigidda asaaska Qaran shaqeynaya, hirgelinta unugyada asaaska u ah dib u habeynta Qaranka, horumarinta qaanuunno muhiim u ah oo kaaba shaqooyinka iyo nidaamka Qaranka, sameynta heykal dowladnimo, rasmi yeynta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, xoojinta xiriirka aan la leennahay dalalka deriska ah, dib u habaynta hey’ado muhiim ah, hirgelinta Golayaal lagu wadahadlo, iyo in la meel mariyo hindisaha ah in la is waafajiyo kaalmada caalamiga ah ayada oo loo marayo Heshiiska cusub ee Somali Compact.
Madaxweynuhu wuxuu Madaxweyne Shariif ku adkeeyay in looga baahan yahay in uu ku hoggaamiyo maamulkiisa qaab muuqda oo aan bulshada Soomaaliyeed daah ka saarneyn. Iyo in uu xaqiijiyo in ay Hey’adaha Soomaalidu ay waajibkooda gutaan si loo xaqiijiyo in muwaaddinka iyo kooxuhuba ay sharciga u siman yihiin. Isla markaana ay hey’aduhu ku shaqeeyaan sida ay dantu ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay shakhsiyaadka iyo kooxuhuba ay wixii ay isku khilaafsan yihiin ay ku xalliyaan si nabad ah.
Madaxweynuhu wuxuu kula dardaarmay Madaxweyne Shariif Xasan in uu dadka uu matalo uu kala qeyb qaato nidaamka siyaasadeed ee dalka dib loogu shidayo asaga oo ka hadlay waxyaabaha ay tahay in muhiimadda la siiyo bilaha soo socda “Dowladda Federaalka waxaa laga rabaa in ay qabato howlo muhuum ah ka hor inta aanuu dhammaan Kalfadhiga Baarlamaanka ee soo socda.
Waa in aan xaqiijinnaa in uu Baarlamaanku ansixiyo Guddiga Soohdimaha iyo Federaalka iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka. Shuruuc muhiim ah waa in la sameeyaa. Waa in aan si deg deg ah wax uga qabannaa ku soo daridda ciidammada Gobollada si loo xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loona helo faa’iidada Federaalism-ka. Kaalinta ay Koofur Galbeed ku leedahay in howlahaasi ay guuleystaan waa mid muhiim ah.
Dhammaad