Madaxweynaha DFS tababar ugu soo xiray 1,033 askari xerada ciidanka Jasiira (Masawiro)

December 22, 2014 - Written by Editor

38Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar ugu soo xiray dufcadii labaad Ciidamo ka tirsan Kumaandos kuwaas oo mudo 10 bilood ah tababar ku qaadanayey  xerada ciidanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa waxaa ay tababarka qaadanayeen mudo 10 bilood ah waxaana maanta xaflada loogu xiray tababarka ka soo qeyb galay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad kooban u jeediyey askarta loo soo xiray tababarka wuxuna ku booriyey in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka iyo dad Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri waxaa ay masuuliyada idinka saaran tahay dalkiina waxaana la idinka doonayaa in aad u adeegtaan shacbaka aadna la dagaalantaan cadowga umada aan waxba u reebaynin.

Ugu danbeyntii ayaa madaxweynaha DFS waxaa uu u dardaarmay askarta wuxuuna sheegay in ay ilaashaan magaca iyo dhaqanka lagu yaqaanay ciidanka dowladeed .

no images were found

Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xaflada tababarka loogu soo xiray ciidan gaaraya 1,033 askari Taliyaha ciidanka DFS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhigga DFS  Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo masuuliin kale oo ka tirsan DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online