Madaxweynaha maamulka Jubba oo la kulmay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya

December 9, 2014 - Written by Editor

axmed-vs-tedrosKismaayo:-Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa waxaa uu magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr.Tedros Adhanom. Kulanka dhexmaray Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan iyo wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa waxaa ay uga wada hadleen duruufaha amniga ah ee ka jira  deegaanada Jubba iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka u dhexeeya maamulka Jubba iyo dowladda Itoobiya.

Wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa u balan qaaday  Madaxweynaha maamulka Jubba in uu ka taageeri doono dhinacyadda amniga  iyo siddii nabad looga dhalin lahaa deegaanada hoos yimaada maamulka Jubba.

Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan ayaa dhinaciisa ka codsaday dowladda Itoobiya in ay gacan ka siiyaan tababarka ciidanka maamulka Jubba  iyo in la sii anbaqaado heshiiskii ku dhexmaray dalka Itoobiya madaxda maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan waxaa uu uga mahad celiyey dowladda Itoobiya sidii ay gacanta uga geystay siddii loo heli lahaa dowladda Federaal ah oo Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online