Madaxweynaha PL oo soo xiray shirweynihii dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha Dawladda Puntland 2014-2015 [Masawiro]
December 29, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-12-2014 si rasmi ah u soo xiray shirweynihii dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha Dawladda Puntland 2014-2015 oo soconayey muddo dhan saddex maal mood.
Xiritaanka shirka oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee hay’addaha dawladda ayaa waxaa sidookale isna goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.
Hay’addaha dawladda gaar ahaan ku woodi aan shalay u suurtagelin in ay soo bandhigaan wax qabadkooda sanadka cusub ee 2015 ayaa soo bandhigay waxqabadkooda iyagoona balan qaaday in ay sii wadayaan dadaalka horumarineed ee ay wadaan fulinayaana balan qaadkooda sanadka cusub.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xukuumada uu hogaaminayo ay tahay mid dadkeeda u adeegaysa islamarkaana lala xisaabtami karo, lana sii wadi doono barnaamijkaan si loo ogaado masuul kasta iyo shaqada uu u qabtay shacabkiisa.
”Waa muhim in dadku ay arkaan dawladooda wax qabadkeeda taas ayaana ka duulaynaa oo mar walba u taaganahay ”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas.
Waa markii ugu horaysay oo barnaamijkaani ka hirgalo Puntland iyo guud ahaanba soomaaliya iyadoona dadweynuhu si toos ah ugala socdeen qeybaha warbaahinta madaxa banaan iyo weliba Tvga Dawladda ee puntland TV, taasina waa guul u soo hoyatay shacabka iyo Dawladda Puntland.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com