Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Eyl (Masawiro)
December 30, 2014 - Written by EditorEyl:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30-12-2014 siweyn loogu soo dhaweeyey Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Safarka shaqo ee madaxweyne Gaas maanta ku tagay Degmada Eyl ayaa waxaa ku wehliyey qaar kamid ah Golaha wasiirada Puntland iyo masuuliyiin kale,waana safar shaqo oo uu madaxweynuhu ugu kuur galayo xaalada dadka iyo weliba tan degmada si loo dar dargeliyo howlaha horumarineed ee ka socda guud ahaan Gobolada Puntland.
Ka hor inta aysan gaarin Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo Degmada Eyl ayaa waxaa uu madaxweynuhu dhagax dhigay dhismaha wado 10-kiilo mitir iyo bar ah oo u dhaxaysa Deegaanka Qarxis iyo Degmada Eyl
Wafdiga ayaa markii ay gaareen Degmada Eyl oo ah degmo taariikhi ah ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey maamulka degmadaasi, Waxgarad, aqoonyahano, culimo udiin, dhalinayaro isugu jiray rag iyo dumar ku waasi oo ku labisanaa calanka Puntland iyo kan soomaaliya iyo weliba dhar hiddo iyo dhaqan ah.
Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo meel fagaare ah kula hadlay dhammaan dadweynihii ka qeyb qaadanayey soo dhaweyntii loo samaynayey ayaa waxaa uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay imaanshihiisa degmada Eyl iyo soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey maanta.
Intaas ka dib ayaa madaxweyne Gaas booqashooyin kala duwan ku kala sameeyey Xaafadaha Daawad iyo Badey oo ay ka kooban tahay degmada Eyl waxana uu halkaasi xariga uga jaray xarun cusub oo ay Wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland ay ku yeelanayso degmada Eyl sidookalana waxa uu dhagax dhigay Xarun wasaarada deegaanku ku yeelanayso degmada iyo sidookale xarun ciidanka badda Puntland ee PMPF iyana ku yeelanaayan degmada taariikhiga ah ee Eyl.
Madaxweyne Gaas ayaa sidookale xariga ka jaray wado muhim ah oo isku xiraysa Degmada Eyl iyo deegaanada kale ee ku xeeraan taasi oo la dhamaystiray, waxa uu sidookale madaxweynuhu dhiirigelin u sameeyey dhalinyaro ciyaar toy ah oo kubada cagta ku dheelaysay garoonka degmada Eyl, ku waasi oo ukala safnaa xaafada daawad ee degmada Eyl iyo sidookale deegaanka Qarxis ee Gobolka Nugaal.
no images were found
Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa kormeeray xarun waxbarasho oo dhismaheedu gabagabo yahay, waxana xaruntaasi wax ku baranaya ciidanka badda Puntland ee PMPF si aqoontooda kor loogu qaado.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email: Plpresidecymedia@gmail.com