Madaxweyne Gaas oo Deegaanka Karin ee Gobolka Barri kaga qeyb galay qado sharaf ay ku casumeen dadka deegaanka.[Masawiro]

December 5, 2014 - Written by Editor

IMG_0799Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-12-2014 magaalada karin oo katirsan Gobolka Barri kaga qeyb galay qado sharaf ay ku casumeen dadka deegaankaasi. Deegaanka Karin oo qiyaastii magaalada Boosaaso u jirta 40-kiilo mitir ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran ugu sameeyey madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayey Waxgarad, Haween  ku labisanaa calanka Puntland, dhalinyaro iyo dadweyne kale  oo tiro badan, kuwaas oo dhamaantood si diiran usoo dhaweeyey Madaxweynaha.

Shacabka ka qeyb qaadanayey soo dhaweynta ayaa ruxayeye caleemo qoyan iyagoo dhanka kalena sitay funaanado cad cad oo ay ku xar dhanaayeen halku dhigyo ay kamid ahayeen ‘’Booqashada Madaxweyne Gaas ku yimid deegaanka karin waxay tilmaan cad u tahay balan qaadyadii madaxweynuhu ka balan qaaday shacabkiisa in goob kasta loogu tago.

Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu kormeer ku sameeyey beeraha ay tabcadaan dadka degan deegaanka karin ku waas oo ku yaal banaanka magaalada sidookalana waxa uu  booqday guri taariikhi ah oo la dhisay sanadku markuu ahaa 1944-tii.

‘’Dhulkaan barwaaqada ahi waa muhim in aan ka faa’iidaysano lagana sameeyo dhul dalxiis oo wanaagsan beerihii aan maanta soo arkay, dadkuna ay yimaadaan oo weliba lagu sameeyo maalgelin rasmi ah si markaas quruxdiisa iyo horumarkiisu dadku ay uwada arkaan ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Meelaha aan muhiimada gaar ka ah aanu siinayno ayaa waxaa kamid ah horumarinta ,horumarku haduu yimaado waxkasta waa imaanayaan, waxaana aad ugu mahadcelinayaa ciidamada ka howlgalaya halkaan si gaar ah ayaan ugu mahadnaqayaa waxbadan ayeyna runtii ka badaleen nabadgelyada jidka dheer iyo weliba nabadgelyada deegaanka’’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay in uu si aad ah u tixgelinayo codsi ay u soo jeediyaan waxgaradka deegaanka kaasi oo ahaa in Deegaanka Karin laga biiriyo degmooyinka Puntland.

‘’Waxaan rabaa marka si taasi u rumowdo waxbadan oo looga baahan yahay deegaan ama degmo in aanu ka shaqeyno ama hanoqoto nabadgelyada ama hanoqoto horumarka ,hadhow haday meeshu noqoto degmo waa in tasiilaadki looga baahnaa sida canshuurihii iyo khidmadaadki dawliga ahaa laga helo’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa kadib markii uu saacado kooban lasoo qaatay shacabka ku dhaqan deegaanka Karin, waxaa uu isla gelinkii danbe ee maantaba uu kusoo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri oo uu maalmahanba hawlo shaqo u joogay.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha
Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online